Saturday, 10 August 2013

                Mahadsanid Madexweyne; Kol Hadad Darajaysay Ciidankeenii Dayacnaa

Ciidan waliba waxaa uu leeyahay dirays, qalab, saanad, iyo hab uu kaga duwan yahay cidanka kale ee dunida, balse waxaa jira wax ciidamada dunida oo dhani ay ka wada siman yihiin, taas oo ah darajada iyo kala saraynta ciidanka  oo ah waxa kaliya ee kala wada ciidan, taana la aantii cidanjiri kara ma jiri karo, waxayna sahasha kala sarayntaasi, isku duba ridka  hawsha, hogaaminta iyo qaybinta masuuliyada ciidanka

Darajo kasta oo ciidan la siiyana waxa la socda masuuliyad iyo waajibaad culus, oo markasta oo uu qof ciidani sii dalacaba waxaa looga fadhiyaa in uu ka sii  nuglaado oo uga sii calool dabacsanaado shacabka, kuna sii adkado xukunka iyo cadaalada, waxaana waajib xooglihii ka fuliyaa ilaalinta darajada la siiyey, waxaana hortaal anshax marin iyo in hadii uu ku dhaco danbiyo uu ku waayi karo darajadiisaas.

Cidankeeni waxay soo mareen heerar kala duwan, waxay u soo dhabar adageen dhibaatooyin ay naftooda u bixiyeen in badan halisna ay u soo mareen nabada aynu maanta haysano, walina ay ku jiraan halisa iyagoo jooga furamaha ay ka dhacayso xabadu, waxay hurdo u seegaan waa ilaalina nabada, waxay caruurtooda uga maqan yihin waa shacb weynaha, ma is taahilaan in maanta qof nabad ku dhex haysta gurigiisii uu isku dayo in uukala saaro kalana faquuqo.

Maanta waxa kaliya ee layngoo fadhiyaa waa in aynu u hambalyeyno, ku boogaadino geesinamada uu sameyey Madexweynaheeni, inagoo ay inoo tahay farxad weyn, ahaydna hawl in hore loo qabto ay ahayd, waxaa maanta laga fili karaa qof waloo inaga midi inuuu ku bogaadiyo kuna farxo.

No comments:

Post a Comment